Please login/register to apply for this job.
5 Jan 2020

INTERNSHIP (Qoraa iyo tifaftire Afsoomaali) – Hargeisa

Job Description

Job Description

 INTERNSHIP (Qoraa iyo tifaftire Afsoomaali).

Shirkada talo bixinta ee Platinum waa shirkad, kala talisa shirkadaha kale iyo cid waliba oo dooneysa arrimaha kusaabsan, Ganacsiga, Suuqgeynta iyo Teknoolojiyada iyada oo isticmaalaysa qaabab ka duwan kuwa imika la adeegsado

Dhamaan shaqooyinka aynu qabano gaar ahaan talo bixinta waxaynu inta badan sameynaa daraasado kusaabsan xaalada dalka ka jirta iyo sida ganacsiyadu xaaladoodu tahay, kadib ayaynu Talooyin ku haboon siinaa Shirkadaha.

Shirkada platinum consulting waxay doonaysaa qof kula shaqeeya si Internship ah oo aqoon wanaagsan u leh qorista iyo turxaan bixinta Afsoomaaliga.

Shaqooyinka laga doonayo waa:

  1. Inaad dib u aqrisaa shaqooyinka qorayaasha kale ay diyaariyeen kana saartaa qaladaadka
  2. Inaad soo daraaseeyso mawduucyo ku wanaagsan qormooyinka aynu diyaarinayno.
  3. Inaad daraaseeyso, qorto, turxaan bixiso qormooyin cusub.
  4. Inaad sameeyso eraybixin kusaabsan kalmadaha ku cusub Afsoomaaliga.
  5. Inaad sameeyso warbixino kusaabsan sida dadka ay uga falceliyeen qormooyinka.
  6. Inaad qiimeeyso qormooyinka kale ee shaqaalaha, kana soo saarto qiimeyn waxyaabaha la daabico karo iyo waxyaabaha aan la daabici kareyn
  7. Inaad diyaariso murti iyo hal abuur loo adeegsan karo xayaysiisyada shirkada iyo shirkadaha kale.
  8. Aqoon aad u leedahay luuqadaha kale waa dheeraad aynu kugu xulan karno.

Hadaba hadii aad dooneyso inaad ka qeyb qaadato fursadan waxaad email inoogu soo dirtaa cv-gaaga iyo warbixintaada oo dhamaystiran email-kayaga hello@platinumsom.com

  • Posted by: Super Admin
  • Company:
  • Location: Anywhere
  • State:
  • Job type: Internship
  • Salary:
  • Job category: No Categories
  • Tags: No Tags
  • 69 total views, 1 today

  • Job expires in: Endless

Apply for this Job