Please login/register to apply for this job.
5 Jan 2020

Guddida Dacwadaha Cashuuraha: Xubnaha Guddida- Hargeisa, Somaliland

Job Description

Job Description

Jamhuuriyadda Somaliland

Wasaarada Horumarinta Maaliyada

  1. Hordhac:

Wasaarada Horumarinta Maaliyadu iyada oo fulinaysa waajibaadkeeda sharci ee ku xusan Qodobka  209aad ee Xeerka Cashuuraha Beriga Somaliland (XeerLr. 72/2016), waxa ay doonaysaa in ay dhisto Guddida Dacwadaha Cashuuraha. Sidaadarteed, waxa ay baahinaysaashan boos oo ah Xubnaha Guddida.

  1. Shuruudaha Qofka loo Qaadanayo Xubin ka Tirsan Guddida Dacwadaha Cashuuraha:

 

  1. Waa in uu leeyahay waayo aragnimo ugu yaraan ah 6 sanno oo uu ku shaqeeyay garsoore, xeer-ilaaliye, qareen, bare jaamacadeed, ama waa in uu ahaa sargaalku shaqo leh xisaabaad, maamul maaliyadeed, cashuur iwm;
  2. Waa in uu leeyahay aqoon xisaabeed, maaliyadeed,cashuuraha iyo sharciga;
  3. Waa in hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kusaabsan anshaxa;
  4. Waa in bulshada dhexdeeda ku leeyahay sumcad iyo dhaqan wanaag;
  5. Waa in aanu ka tirsanayn xisbiyada siyaasada kana madaxbanaan yahay,
  6. Waa in aanu wax dan ah kulahayn shirkadaha ama cashuur bixiyayaasha waaweyn;
  7. Waa in aanu ahayn shaqaale dawladeed, xubnaha ciidamada qaranka ama garsoorka;
  8. Waa in uu yahay muwaadin lagu yaqaan dal jacayl, “patriotic”;

 

  1. Habraaca Codsiga:

Ciddii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha sare ku xusan waxa ay codsigooda oo ay weheliso sooyaalkiisa waxbarasho iyo shaqo (CV) uu u soodiraa emailka hoos ku qoran, inta ka horeysa 08 bisha January 2020, wixii faah-faahin ah ee intaa dheer kala soo xidhiidhTel: 063-4246813, Email: soulahussien@gmail.com.

 

  • Posted by: Super Admin
  • Company:
  • Location: Anywhere
  • State:
  • Job type: Full-Time
  • Salary:
  • Job category: No Categories
  • Tags: No Tags
  • 27 total views, 1 today

  • Job expires in: Endless

Apply for this Job