Please login/register to apply for this job.
8 Feb 2020

FURSAD TABOBAR IYO MAAL-GALIN GANACSI – Hargeisa

Job Description

Job Description

Tix:    SONYO/05/611/2020                                                              

Tariikh: 06 February, 2020   

FURSAD TABOBAR IYO MAAL-GALIN GANAGSI

Dallada Dhalinyarada ee SONYO waa dallad heer qaran oo u taagan horumarinta iyo kobcinta dhalinyarada Somaliland. Waxa hoos yimaada 56 urur oo kukala teedsan lixda gobol ee Somalilad.

Iyada oo laga duulayo  qorshe sanadeedka  Dallada SONYO oo ay ka mid tahay kor u qaadista shaqo abuurka dhalinyarada  iyo baridda xirfad wax ku ool leh, waxa Dallada SONYO Iyo Hay’adda  Save The Children iska kaashadeen mashruuca LOT-CIV. Mashruucan oo ka taageeraya dhalinyarada tababaro lagu barayo shaqo abuurka iyo shaqo carbinta  dhalinyarada  ayaa waxaa kamid noqon doona  sadexdan tabobar  ee hoos ku qoran:

  1. Tabobar ku saabsan shaqo carbiska iyo sida loo raadsado shaqo (Life skills Training)
  2. Tabobar ku saabsan shaqo abuurka iyo sidi ay dhalinyaradu u samaysan lahayeen ganacsi shuraako ah (Entrepreneurship Training as cooperative groups) kaas oo kor u qaadaya shaqo-abuurka dhalinyarada.
  3. Tabobar ku saabsan sida dhalinyartu iskood isu abaabulaan una dhigtan dhigaal ay shaqo ku abuurtaan hadhow (VSLA Training).

Tababaradan waxaa ka faaidaystay sanadkii hore 2019, Boqol arday oo hablo iyo wiilal isugu jira halka afar group oo dhalinyar Shuraako ah ay samaysteen ganacsi kuna guulaysteen qadar lacag ah. Sanadkan waxaa la qaadanayaa dufcadi labaad oo u kala baxaya sida kor ku soo xusan.

Haddaba, shuruudaha looga baaahan yahay sadexdan fursadood dhalinyarada soo xaraysanaysaa waa sida hoos ku xusan:-

  1. SHURUUDAHA TABOBARKA KU SAABSAN SHAQO CARBISKA IYO SIDA LOO RAADSADO SHAQO (LIFE SKILLS TRAINING)
  • Waa in tartamaha da’diisu u dhaxaysaa 15-30
  • Waa in tartamuhu dhamaystay aqoon Jamacadeed
  • Waa in tartumuhu yahay muwaadin reer Somaliland ah
  • Waa in tartamuhu hore uga qayb qaadan taba-barkan oo kale
  • Waa in ay ka go’an tahay inuu dhamaysto tabobarkan
  1. SHURUUDAHA TABOBARKA KU SAABSAN SHAQO ABUURKA IYO SIDA U SAMAYSAN LAHAYEEN BUSINESS SHURAAKO AH (ENTREPRENEURSHIP TRAINING AS COOPERATIVE GROUPS)
  • Waa in tartamayaasha da’doodu u dhaxaysaa 15-30
  • Waa in tartamayaashu yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah haystaana kaadhka aqoonsiga
  • Waa in tartamayaashu dhamaysteen aqoon heer Jamacadeed
  • Waa in tartamayaashu ku wada socdaan dhalinyaro shuraako ah oo ka kooban 5 qof (laba hablo yihiin sadexda wiilal ama sadex hablood iyo laba wiil)
  • Waa in tartamayaashu aanay hore u soo qaadan tabaarkan oo kale
  • Waa in tartamayaashu heshiis ku yihiin inay wada shaqaystaan isna ogol in ay wada shaqaystaan
  • Waa in tartamayaasha isku kooxda ahi da’a ahaan isku dhawyihiin
  • Waa in tartamayaasha ay ka go’antahay dhamaystirta dhamaan tababarka shaqo abuurka heerarkiisa kala duwan muddada tababarku socdo.
  • Waa in tartamayaashu u diyaar yihiin, kana go’antahay in ay abuuraan shaqo si wada jir ah
  • Waa in tartamayaashu haystaan damiin maal
  • Waa in tartamayaashu ay ka foyowyihiin noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka sida Qaadka, Sigaarka IWM.
  • Waa in tartamayaashu soo qoraan codsi ku saabsan halabuurka shaqo ee ay rabaannoocuu yahay.
  1. SHURUUDAHATABOBARKA KU SAABSAN SIDA DHALINYARTU ISKOOD ISU ABAABULAAN UNA DHIGTAN DHIGAAL AY SHAQO KU ABUURTA HADHOW (VSLA TRAINING)
  • Waa in tartamayaasha da’doodu u dhaxaysaa 15-30
  • Waa in tartamayaasha aqoontoodu gaadhsiisan tahay dugsi sare
  • Tartamayaasha tababarkani waa in ay noqdaan hablo qudha. Maadaama oo tababarkani gaar u yahay hablaha dhalinyarada ah
  • Waa in tartamayaashu yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah.
  • Waa in tartamayaashu aanay hore u soo qaadan tabaarkan oo kale
  • Waa in tartamayaashu ku soo codsadaan fursadan si kooxo ah, iyada oo kooxdiibaka kooban tahay 10.
  • Waa in tartamayaasha ay ka go’an tahay in ay qaatan tabobarkan bartaana sida loo shuraakoobo, lacago dhigaal ah loo samaysto isla markaana loo samaysto shaqo abuur.
  • Hablaha dhalinyarada ah ee ku nool xaafadaha barakacayaasha ayaa si gaar ah loogu dhiiri-gelinayaa in ay codsadaan fursaddan.

Hadii aad xiisanynayo mid ka mid ah fursadahan, fadlan soo codso mid qudha, adiga oo codsigaaga iyo CV gaaga oo isku lifaaqan ku soo diraya:

Email: sonyoumbrella@gmail.com

Ama ku soo hagaaji xarunta guud ee Dalladda dhalinyarada Somaliland ee ku taala xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeisa ugu dambayn 15 Bisha February 2020, saacadda geeska Afrika marka ay tahay 14:00 duhurnimo.

Fiiro gaar ah: Tartamuhu waxa uu soo codsan karaa hal tababar oo qudha.

  • Posted by: Super Admin
  • Company:
  • Location: Anywhere
  • State:
  • Job type: Training
  • Salary:
  • Job category: No Categories
  • Tags: No Tags
  • 61 total views, 1 today

  • Job expires in: Endless

Apply for this Job